How to write an article that ranks well in Google

Inaad qortid article ama maqaal gala page one way adag tahay marka aadan ka haysan wax fikrad ah amaba aadan u lahayn wax aqoona. Sidoo kale way adag tahay inaad ciwanda short-tail ah ama ciwaanada gaagaaban inaad ku noqotid rank. Laakiin maqaalkan waxaan kuugu soo gudbinayaa qaabka loo qoro article-ka, sida loo sameeyo keyword research iyo weliba waxyaalaha lagaaga baahan yahay si aad u noqotid rank on page one amaba aad u gashid #1.

What Is An Article?

Article waa qoraal bixiya macluumaad, falanqayn, ra’yi, ama ka hadla dood gaara. Waa nooc isgaadhsiineed oo dhanka online-ka ah, waxaana inta badan laga helaa wargaysyada (newspapers), majaladaha (magazines), blogyada (blogs), iyo daabacadaha qoraalada ee kale. Maqaaladu waxay u qaabaysan yihiin amaba format-koodu yahay horudhac (introduction), body, iyo conclusion.

Sidoo kale waxaa ku jira gudahiisa ciwaano (headings), ciwaano hoosaadyo (subheadings), iyo waxyaalo badan oo kale duwan sida sawiraan ama garaafyo si kor loogu qaado fahamka qofka akhristahaa. 

Maqaaladu waxay dabooli karaan mawduucyo badan oo ay ka mid yihiin wararka, muuqaalada, faalooyinka, casharada, waxayna u adeegaan inay wargeliyaan, maaweeliyaan, ama ka dhaadhiciyaan akhristayaasha mawduuca ay markaas doonayaan ama ay baahida ay u qabaan.  

What Is The 5 Parts Of An Article 

Wax kasta waxay leeyihiin format ama qaab looqoro, sidaas si lamida article-ku wuxuu leeyahay qaab looqoro. Hadaba waxaa jira 5 qaybood ama format oo ka kooban yahay article-ku, waxayna kala yihiin:

  • Heading / Title (H1)
  • Subheading (H2, H3)
  • Byline
  • Body / Main text
  • Conclusion 

Hadii aad martid wadadan ama aad fahamtid qaabkan waxaan ku balan qaadayaa ama aan hubaaba inaad maqaaladaada gayn doontid page one amaba #1.

hadaad u baahan tahay inaad si step by step ah aad ubarato qaabka loogu qoro WordPress halkan ka Akhriso:

Blog Article – How To Write Article? – Step-by-Step Review

How To Write Content That Ranks On Google

Si aad u qortid Article noqoda Top #1 ama gala Google rank page one, waxaad u bahaan tahahy inaad samayso waxyaalahan soosocda:

1. Keyword Research

Raadinta keyword research ama erayga muhiimka waa muhiim marka aad u baahan tahay inaad wanaajiso mashiinkaaga raadinta (searching engine optimization) ama wanaajinta nuxurka ama content.

Waxay ku lug leedahay aqoonsiga iyo falanqaynta erayada gaaarka ah ee ay isticmaalayaashu ka raadiyaan makiindaha raadint (Searching Engines) si ay u helaan macluumaadka ay doonayaan. Hadafka ayaa ah in la fahmo oo la baadho waxa ay waydiinayaan makiinadaha raadinta ama serching engines si loogu daro nuxurka ama content-iga.

Habka loo sameeyo cilmi baadhista erayga muhiimkaa ama keyword research waxaa kamida talaabooyinka soo socda: 

  • Inaad akhriso in kabdan hal article oo la xidhiidha topic gaaga
  • Inaad qorato list topic yada la xidhiidha maqaalkaaga
  • Inaad eegto suaalaha ay waydiinayan dadku google-ka oo ku saabsan topic aad dooratay
  • Inaad qiimayso ama aad baadho dadka kula tartamaya si aad u ogaatid keyword difficulty
  • Inaad isticmaasho long-tail kewyord ama ciwaanda dhaadheer si aad si fudud rank ugu noqotid

Si aad u samayso keyword research isticmaal google ama websites ka kala ah SEMRUSH iyo AHREFS.

laakiin kuwan badana waa lacag halka SEMRUSH ay ku siinayso maalinkii inaad si free ah ku samyso 10 baadhitaan maalinkii. Sidoo kale waxaad keyword research u isticmaali karta ChatGPT kadibna aad adigu aad baadhid keyword-ka uu ku siiyo inaad ka noqon kartid rank iyo weliba cida tartamayaashaada ah.

 2. The Heading / Title Should Be In The Keyword Article

Markaad soo hesho keyword-kaagii waa inaad diyaarisa ciwaankii article-kaaga (heading). Waayo waa meesha koowaad ee akhristaha ka dhigaysa mid maqaalkaaga ama articles-kaaga wada akhrista ama ka taga isagoo aanba eegin.

Haduu ciwaanku kaa xumaado ama uu ka heli waayo qof wax akhrisnaya iskuma hawlayo maqaalkaaga intiisa kale xitaa hadii uu wacan yahay qaabkaad u qortay qoraalka ku jira maqaalka.

Sidaa awgeed waa inaad ku darta keyword-kaaga ciwaanka si akhristahu uu arko waxa uu doonayo.

Hadaba waxaa jira qaabab aad u qori kartid maqaalkaaga:

  • Inaad ciwaankaaga aad ka dhigtid su’aal
  • Inaad qortid ciwaan qiimo leh soona jiidanaya qofka indhihiisa
  • On-point heading, waa inaad  ciwaanka ka dhigtid waxa uu doonayo akhristuhu si attention-kiisa aad u heshid.

3. Your Article Must Meet Google’s Guidelines

Iska hubi inuu maqaalkaagu waafaqsan yahay shuruudaha Google-ka si uu u noqdo rank. U hogaansanaanta shuruudaha Google-ka waa muhim marka la doonayo in xogto ay noqoto mid ka soo muuqata makiindaha raadinta (searching enigines).

Maqaalkani wuxa uu si qoto dheer u eegaya mabaadi’da iyo dhaqamada muhiimkaa ee ay tahay in qoraayda iyo mulkiilayaasha website-yadadu ay raacaan si ay u buuxiyaan shuruudaha google rank.

Hadaba maxaa ka mida shuruudaha rankiga:

  • In ciwaanka ama heading-ka article kaagu uu yahay H1
  • H2 iyo H3 waa inay ka koobnaadaan Subheading-ka maqaalka 
  • U Isticmaal Keywordka article-kaaga ciwaanada, lkn haka dhigin mid aad saa’id u isticmashay waayo google-ku ma jecla in keywordka aad isticmaashid ciwaan kasta u isticmaashid
  • Sidoo kale alt-tag sawirada u isticmaal keyword-ka hana ku badin
  • Maqaalkaagu waa inuu dheeraada isagoo weliba ka jawaabaya baahida akhristaha 
  • Isku dhex dar muuqaal iyo qoraal waayo dadba muuqalka wax ku fahma qaarna akhriska
  • Isticmaal internal iyo external links waayo waxay saaid kaaga caawinaysa inaad noqoto rank. 
  • Sidoo kale waa inaad ku darta table of contents

Internal links: waa inaad links ka kaxaysid website kaaga kuna xidhid article kale oo kujira website-kaaga.

External links: waa inaad link ka kaxaysid website kaaga gaysidna website kale, badanaa affiliate links-kaa loo isticmaala.

4. Make Your Article Unique When Using AI

Markaad isticmaalayso AI, u isticmaal keliya inaad xogta ku heshid kadibna samee baadhitaan dheeraad ah adigoo ka baadhaya ilo lagu kalsoon yahay, kadibna ku celi links waayo markaad links kaaga  u isticmaashid ilo google ku kalsoon yahay waxay kaa caawinaysa in maqaalkaagu noqdo rank ama uu galo page one.

Conclusion 

Barashada farshaxanka qorista maqaal ama article si fiican loo qaabeeyey, kaasoo si fiican uga muuqda Google waa wax aan inaba la soo koobi karin micnihiisa.

Markaad samayso cilmi-baadhis dhab ah oo ku saabsan helida keyword, fahamka u jeedada raadinta, abuurista xogta tayada sare leh, waxaad seesaysaa aasaaska maqaal searching enigines-ka ka noqdo rank si wacana loo habeeyey.

Ogsoonoow inaad hagaajiso SEO bogga, una hagaaji maqaalka in si wacan looga akhrisan karo mobile-ka, sidoo kale iska hubi in maqaalkaagu raacayo shuruudaha ama Google Guidelines.

Kaa go’naanshahaaga inaad wanaajiso maqaalda keliya ma soo jiidan karaan akhristayaasha, ee waxay sidoo kale kaa caawinayaan website-kaagu uu google ka noqdo top, sidoo kalena tartamayaashaada aad ka sare martid. Waxaan ku leeyahay ku raaxayso qorida maqaalo tayo sare leh sidoo kalena barashada hagaajinta searching engines ama makiinadaha raadinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *