Maqaalkan waxaan kuugu soo gudbinayaa farqiga u dhaxeeya web design vs web development, post-gan wuxuu kaa caawinayaa inaad si wacan ukala fahantid waxay kala yihiin web design iyo web development.
Hadaa rabto inaad baratid qaabka looqoro maqaalo nooca oo kale ah halkan ka akhriso.
What Is Web Design?
Web design waxaaa laga soo gaabiyey website design halka qofka bartana loo yaqaano website desinger, waxayna u taagan tahay quruxda iyo isticmaalka website-ka.
Markaynu eegyano farqiga ama diffrence-ga u dhaxeeya web design vs web development, Hadafka ugu wayn ee qofka web designer-ka uu leeyahay waa inuu user-ka ama istimaalaha u sahlo inuu si wacan ugu raaxaysto isticmaalida website-ka haday noqoto quruxda iyo user experiences-kaba. Badana waxay lafalgalaan images-ka, color plates, farta IWM.
Web designer-ku waa inuu joogteeya shaqadiisa sidoo kale wa inuu ahaada update lana socdaa designska ama naqshadaha cusub si uu u noqdo qof xirfadiisa horumariya.
Waxa jira 2 qaybood oo wed designers waxayna kal yihiin:
- User Interface (UI)
- User Experience (UX)
1. User Interface (UI)
Waxay diirada saaraan waxa isticmaalayaashu u baahan karaan sidoo kale interface kana si fudud loo geli karo ama si fudud loo isticmaali karo, lana fahmi karo waxa lagu soo bandhigayo interface.
Hadii aan si fudud kuugu soo koobo, user interface (UI) waa qaabka uu isticmaaluhu u dareemayo ama u arkayo shaashada product ama website-ka.
User Experience (UX)
Waxay diirada saaraan fahamka isticmaalayaasha iyo waxay u baahan yihiin, waxay sidoo kale qiimeeyaan awoodahooda iyo xadidaadooda. Sidoo kale erayga loo isticmaalo in lagu qeexo waa waayo aragnimada guud ee isticmaaluhu u leeyahay marka uu la fal gelayo products, service iyo websites-ka.
The Skills Required for Web Designers
Web designers-ku waxay u baahan yihiin xirfado badan oo kale duwan si ay u abuuran naqshado shaqaynaya, halkan waxaan kuugu soo gudbinayaa qaybo kamida xirfadaha laga rabo qofka web desingner-ka:
- HTML & CSS
- Graphic Design: Inuu aad u yaqaan qalabka graphic design sida Adobe Photoshop ama Illustrator suu usameeyo sawiro iyo naqshado kala duwan
- Web Design Tools: waa inuu yaqaanaa Qalabka loo isticmaalo web design-ka sida Figma, Sketch ama Adobe XD.
- Responsive Design: waa inuu leeyahay awooda uu ku samayn karo naqshad ku shaqaynaysa devices kala duwan sida destop, tablet iyo mobile kaba.
- Typography: waa inuu yaqaana doorashad farta ama fonts-ka iyo siday fartu isu qaadanayso.
Sidoo kale waxaa jira wax loo yaqaano non-technical skills oo ah xirfado aan farsamo ahayn ku waasoo muhiim u ah web designers-ka waxaana kamida inuu leeyahay Creativity ama hal abuurnimo uu ku samaynayo ama kaga fikirayo naqshad cusub, sidoo kale inuu leeyahay communication skills oo ah inuu xidhiidh fiican ka samaysan karo team kiisa, developers iyo weliba macaamiisha.
What Is Web Developing?
Web development waa habka dhisida iyo ilaalinta website-yada iyo web applicationka. Doorkoodu wuxuu ku lug leeyahay shaqooyin badan oo farsamo ah, oo ay ku jiraan adeegsiga code adag iyo progaramming languages horumarsan.
Hadaba maskaxada ku hay waxaa jira qaybo kala duwan oo web develoepr ah, waxaana lagu kala saara shaqooyinka gaarka uu mid walba qabto waxayna kalka yihiin:
- Frond-End Developer
- Back-End Developer
- Ful-Stack Developer
1. Frond-End Developer
- Wuxuu diirada saara User Interface (UI) iyo User Experience (UX).
- Wuxuu ku shaqeeya sida HTML,CSS JavaScript si uu u abuuro website soo jiidasho leh, sidoo kale Content Mangement System (CMS) sida WordPress.
- Sidoo kale wuxuu ka masuul yahay inuu website kuu uu ku shaqaynayo devices kala duwan sida desktop, tablet iyo mobile-kaba.
2. Back-End Developer
- Waxay maamulaan server website-ka ama web applicationka ama behind the scenes-ka.
- Waxayna ku shaqeeyaan luuqadaha server side ka ah sida PHP, Python, Ruby, SQL iyo weliba database si ay u maamulaan habaynta xogta, kaydinta iyo soo celintaba.
3. Full-Stack Developer
- Wuxuu leeyahay xirfadha 2 doodaba oo ah Front-End iyo Back-End Developer .
- Waxay ka shaqayn karaan dhamaan wax kasta oo looga baahay website laga bilaabo User Interface ilaa maamulida database ka.
The Skills Required for Web Developers
Si lamida web developers ku waxay u baahan yihiin xirfado kuwaasoo ka caawinaya inay dhisaan applications ama website ka ay rabaan inay sameeyan, waxaana kamida:
- HTML & CSS: waa inuu aad uyaqaana si ay ugu fududato inuu qaabeeyo sidoo kalena naqshadeeyo website-ka.
- JavaScript: waa inuu yaqana luuqada JavaScript .
- Database Management: qaabka loo maamulo database ka.
- Testing and debugging: waa inuu si wacan uyaqaana hagaajinta iyo cilad saarida website-ka ama application-ka.
- Search Engine Optimization (SEO): waa inuu qof khibrad leh ku yahay qaabka websitku u gealyo baraha wax laga baadho ama Search engine Optimisation (SEO) sida Google, Bing IWM.
Difference between Web Design vs. Web Development
Nasiib wanaag, waxaad ka haysataa hada fikrad guud waxay kala yihiin, laakiin hadaan kusoo koobo farqiga u dhaxeeya labadooda:
- Web designers-ku wuxuu diirada saara qaabka uu u ee kaanayo website-ku.
- Web developer-kuna waxay diirada saaran qaabkay u horumarin lahayeen una samayn lahayeen website-ka.
- Web designersku waxay xooga saaraan User Interface iyo User Experience oo ah qaabka isticmaaluhu ula fal galayo website-ka.
- Web developers-ka waxaa looga baahan yahay aqoon badan oo ku saabsan code-ka waxaan waajib ku ah inuu yaqaano luuqado farabadan oo hadana adag si uu u dhiso website ama application-ka uu doonayo.
- Waxa jira qaybo kala duwan oo web developers ah sida front-end developer, back-end develop iyo full-stack developer. Halka web designerkuna uu u kala qaybsamo User Interface (UI) iyo User Experience (UX).
- Web designers-ka waxaa laga raba inuu yaqaano qalabada wax lagu naqshadeeyo sida photoshop iyo illustrato, halka web developers-ka laga rabo inay aad uyaqaanan luuqadaha programming languages-ka sida HTML & CSS, Php, Python, React iyo database severs-ka sida Sql iyo MandoDB.
Intaasoo dhan kadib labadooduba web design iyo web development waxay door muhiima ka ciyaaraan samaynta iyo naqshadaynta website-ka.
Conclusion
Gaba gabadii iyo gunaanadkii hada waxaad kala taqaana mid walba shaqada uu qabto waa web design iyo web development, waa inaad aad u taqaana labadan hadaad doonayso inuu website-kaagu guulaysto amaba aad rabto in aqoontaadu sarayso.
Hada waxaad ogaatay inay labadoodu isu baahan yihiin tusaale ahaan, la’aanta web design websiteku uma muuqanyo qaabkii larabay, sidoo kale la’aanta web development website ku uma shaqayno sidii caadiga ahayd Inay labadoodu isla shaqeeyaane waa waayo aragnimo dheerada.
Marka aad rabto inaad oogaato labadooda kaad tahay waxaad ku ogaanaysa waxa aad ku wacan tahay ama xiisaysid, hadaad ku wacan tahay photoshopka, branding ,colors, isku darida fonts-ka iyo samaynta sawirada waxaaad u janjeedha dhinaca web design-ka.
Sidoo kale hadaad ku wacan tahay dhisida website ama samayntiisa adoo isticmaalaya luuqadaha coding-ka ah sid php, pyton, html& css ama content management system (cms) sida WordPress waxaad u janjeedha dhinaca web development.
Markasta adigu naftaada qiime waxaad ku wacan tahay ama aad xiisaynaysid si aad u ogaato labadan kaad tahay ama ka aad noqon kartidba.