What is WordPress? Hadaadan weligaa hore u maqlin waxa uu yahay WordPress, maqaalkan maanta waxaad kaga bogonaysaa waxa uu yahay iyo siduu u shaqeeyo. Waxaa markiisii ugu horaysay la kiciyey 2003, waxaana uu noqday Contontent Management System (CMS) ugu sareeya, waxaana lagu dhisay ilaa hada 810 miilion oo website.
Maqaalkan bilowgaa ama basic ah waxaan ugu talo galay in qofkaan faham ka haysan WordPress uu faham guud ka qaato. Sidoo kale waxaan dul istaagaynaa shaqooyinka uu qabto iyo qaababkaa uu u shaqeeyo.
What is WordPress?
WordPress waa software si wayn loo isticmaalo kaaso ah open-source Content Management System (CMS) kaasoo isiticmaalayaasha u ogolaanaya inay sameeyaan ayna maamulaan website-yadooda.
Sofware kan wuxuu uu ogolaanayaa qof kasta inuu dhiso website, isagoon qorayn hal line oo code ah, sidoo kalena qof kasta wuu lasoo degi karaa oo waa free ama bilaa lacag.
When Was WordPress Created?
WordPress waxaa sameeyey Matt Mullenweg iyo Mike Little. Siidayntii ugu horaysay waxay ahayd 27 May 2003. Tan iyo maalinkaas WordPress wuxuu noqday Conten Management System (CMS) ugu fiican ee xlligan jira. Waxaa uu ka dhashay rabitaanka ah in la helo madal ama platform u ogalaanaysa dadka content creaters-ka ah inay wax ku qoraan, iyadoo laga arkayo dhamaan aaldaha wax laga baadho ee Searching Engine-ka.
WordPress keliya kuma eeka in wax lagu qoro oo kaliya ama loo isticmaalo blogging, sidoo kale waxay caan ku tahay website yada waa weyn sida business websites iyo e-commerce websites.
Which Websites Can Be Created using WordPress?
Wuxuu la jaanqaadi karaa ama lagu dhisi karaa noocyada kala duwan ee website-yada sida, blog websites, business websites, portfolio websites, e-commerce ama online stores.
Intan keliya kuma samayn kartid intaas aan soo sheegay ayaa mid walba ay kasii hoos baxaan intaas oo qaybood oo websites ah. Qaybahan websites-ka aan kor kusoo sheegay way kala duwan yihiin, mid walba wuxuu khuseeya wax gaara haadan kuu kala saaro mid walba wuxuu yahay iyo shaqaduu qabto:
Blog Websites
Website noocan ah waxaa lagu soo gudbiyaa maqaalda ama post, waxaana lagu qoraa maqaalo kala duwan oo mid wax ka hadalayo sida caafimaadka, waxbarashada, ciyaaraha, beeraha, technology, IWM. Hadaad maqli jirtey qofkan waa blogger micnihii qofkan waa qoraa qora maqaaladan aan soo sheegay mid kamida.
hadaad rabto inaad barato sida loo qoro blog article, halkan ka akhriso.
Sidoo kale blog websites-ku waxay u sahlaan dadka bilaa shaqadaa inay u noqoto il dhaqaale, iyagoo ku xidhanaya website-kooda Google Adsense. Hadaad rabto inaad barato ama ogaato shuuradaha lagaaga baahan yahay markaad rabtid inaad ku xidhatid website-kaaga Google Adsense, halakan ka akhriso.
Business Websites
Websites-ka noocan oo kale ahna waxay shaqadoodu tahay ama ay ka saacidaan qof ka leh ganacsi inuu kusoo bandhigo waxyaalaha ama service-ka uu bixiyo ganacsigiisu. Wuxuuna sidoo kale u sahlayaa qofka ganacsadahaa in macaamiishiisu ay si fudud ku arkaan adeegyada uu bixiyo.
Portfolio Websites
Portfolio websites waa nooc kaduwan labadan hore, waxaa loo isticmaala in qofka creative-kaa ama qof ka hibada ama aqoonta u leh inuu wax sameeyo uu kusoo bandhigo shaqooyinkii uu horay u qabtay haday noqoto samaynta website, ardayda uu waxbaray, beeraha uu sameeyey, ganacsiyada uu abuuray, logo uu hore usameyey, haduu video editing yahay, IWM.
Website wuxuu qof kasta u sahlayaa inuu qofkan intuusan shaqo u dirasan uu iska eego shaqooyinkuu hore usoo qabtay, haduu ku qancana uu u dhiibto shaqada uu rabo markaa in loo qabto.
E-Commerce Websites
Website-ka noocan ahna waxay shaqadiisu tahay ama uu kaa caawinayaa inaad meheradaada ama dukaankaaga aad ka dhigtid mid online wax lagaga iibsanayo. Waxaana u fududaanaysa qofka ganacsadahaa in qofka macaamiishiisa ah isagoo xaafadiisa jooga uu dukaankiisa wax ka iibsado, isagoona alaabtiisana ugu geynaya halka uu kasoo dalbaday.
Muuqalkan waa full e-commerce website aan ku dhisay WodPress, waxaadna ku baranaysaa qaabka loo sameeyo online stores-ka hakan ka daawo.
Why Always Use WordPress?
Dadku badanaa waxay u isticmaalaan WordPress siyaabo iyo ujeedooyin kala duwan, waxayna ku xidhan tahay waxa uu markaa rabo inuu u isticmaalo. Laakiin halkan waxaan kuugu soo koobaya sababta ay dadku u iscticmaalaan, waxaana ka mida:
It Is Easy To Use
WordPress waa user-friendly oo micnaheedu yahay way fududahay in isticmaaluhu uu isticmaalo. Wuxuuna u ogalaanayaa istimaalayaasha inay si fudud u abuuran una maareeyaan xogtooda.
It Is Free To Use
WordPress waa open-source platform oo micnaheedu yahay waa free ama waa bilaa lacag in la isticmaalo, qof kasta wuu lasoo degi karaa isagoo localhost ku isticmaalaya ama domain iyo web hosting iibsanaya.
It Is SEO-Friendly
WordPress waxaa loogu tala galay inuu ku shaqeeyo mashiinda wax laga raadiyo ama Searching Engine Optimization (SEO). waxaa kujira qalab iyo sifooyin kaa caawinaya in website-kaagu uu si fudud ku galo Serching Engine-ka.
It Is Secure
Marka la rabo in la isticmaalo software waxaa muhiima in laga eego inuu yahay amaan ama secure. WordPress waa amaan in la isticmaalo kaasoo si amaana kuugu haynaya website-kaaga sidoo kalena xogta isticmaalaha website-kaagana amaan gelinaya. Wuxuuna awood kuu siinaya inaad website-kaaga ilaashatid adoo ku xidhnaya two-facto-authentication.
What is a WordPress Plugin?
WordPress plugin waa qayb yaroo software taasoo ku daraysa website shaqooyin ama sifooyin dheeraada. Sidoo kalena u ogolaanaysa isticmaalayaasha inay habeeyaan ama wax kabadalaan website-kooda iyagoon code-ka guud ee WordPress wax ka badalin.
- Waxaad plugins-ka kaga daraysaa adigoo tagaya dashboardka WordPress.
- Kadibna kasii tagaya Plugin adigoo sii odhanaya Add New.
- Waxaadna raadinaysaa plugin-ka aad u baahan tahay.
- Markaad heshid Install dheh kadibna Activate.
What Is a WordPress Theme?
WordPress theme waa faylal la isu geegeeyey kuwaasoo xakamaynaya bandhiga iyo muuqaalka website-ka taasoo loo yaqaan look and feel.
Wuxuu qeexayaa naqshadaynta guud, qaabka ama layout-ka, iyo muuqaalka goobta oo ay kujiraan sida farta ama fonts, midabada ama colors-ka, cabirka ama size, iyo qaabka bogga ama page-ka.
- Waxaad kaga plugins-ka kaga daraysaa adigoo tagaya dashboardka WordPress.
- Kana sii tagaya Appearence kadibna Add New.
- Kadibna raadi theme-ka aad ubaahan tahay.
- Markaad heshid Install dheh kadibna Activate.
Conclusion
Maqaalkan hagaha ah ee dhamaystiran wuxuu soo koobayaa ama dulmarayaa waxa uu yahay wordpress. Hadaan kusoo koobo maqaalkeena guud ahaan:
WordPress waa open-source platform oo micnaheedu yahay waxaa lagu isticmaali karaa free. Sidoo kale waa Content Management System (CMS) ugu caansan xiligan lajoogo addunka.
WordPress wuxuu isticmaalayaasha u ogolaanayaa inay si fudud ku abuuraan website-ka ay rabaan sida blog website, business website iyo e-commerce website.
Waxaa library-giisa ku jira kumanaan themes iyo plugins, kuwaasoo isticmaalaaha u ogolaanaya imuu website-kiisa wax kabdalo ama ku daro sifooyin dheeraada isagoon isticmaalayn hal line oo code ah.
WordPress wuxuu kuu ogalaanaya inaad website ku abuurtid ama kusoo bandhigtid xirfadahaaga online, iyadoo aan laguu eegayn khibrada aad u leedahay.Sidoo kale waa user-friendly oo micnaheedu yahay isticmaaluhu wuxuu u isticmaalaya si fudud isagoo fahmaya features-kiisa.
Iyadoo bulshada isticmasha WordPress ay korto marba marka ka dambaysa, maqaalkan ama post-gan ayaa bar bilaw fiican u ah qof kaasta oo raba inuu sida ugu fiican uga faa’iidaysto ama u barto paltform-kan firfircoon (dynamic platform).
Kusoo dhowoow salaan ka timid dunida cajiibkaa ee WordPress, taasoo ay kaag horeeyaan fursado aan la tirin karin oo loogu talo galay dadka hal-adbuurkaa.
[…] Hadaad u baahan tahay maqaalkan oo faah faahsan kasoo ah what is WordPress halkan ka akhriso. […]