Marka ay timaado in website la dayactiro ama la hagaajiyo, WordPress plugins waa waxa ugu horeeya ee aad u baahan tahay inaad isticmaasho. Qalabkan waxtarka leh waxay website kaaga kusoo kordhin karaan, kor u qaadida shaqada, wanaajinta isticmaalida userka, iyo sidoo kale inay kor uqaadan security-ga iyo amniga website-kaaga.
Iyadoo kumanaan WordPress plugins laga heli karo kaydka WordPress, hadana inaad doorato plugins-ka saxda ah ee ka turjamaya baahiyahaaga way adag tahay inaad markiiba heshid.
Hadaba si aan kaaga caawiyo badweynta kayd ee WordPress, halkan waxaan kuugu soo gudbinayaa Top 10 Essential WordPress Plugins You Can’t Live Without, ama 10 ugu sareeya plugins-ka ku waasoo mar kasta loogu isticmaalka badan yahay.
hadaadaad u baahan tahay inaad barato qaabka loo dhiso website maqaalkan waa mid kugu haboon 7 Simple Steps – How to Create a WordPress Website – Beginner’s Guide.
1. Yoast SEO
Hagaajinta mashiinka raadinta (SEO) ayaa muhiim u ah in website-kaaga ay yimaadaan traffic ama booqadayaal. Plugin-kan isna wuxuu kaa caawinayaa shaqooyin badan, marka koowaad inaad qoratid maqaalo ku waasoo rank ka noqdo Google.
Yoast SEO waa plugin awood u leh kaana caawinaya inaad wanaajiso macluumaadkaaga mashiinada raadinta (searching engines). Waxay ku siinaysaa talooyin iyo wadooyin lagu horumarinayo boggaga SEO, sida kobcinta erayada muhiimka ah (keyword optimizaton), meta tags, iyo falan qaynta akhriska (readability analaysis).
Isticmaalida Yoast SEO, waxay kaa caawinaysaa ama aad xaqiijin kartaa in website-kaagu oo kasara maro websites-ka kale marka la joogo mashiinada raadinta (searching engines). Sidoo kale inaad website-kaaga ku xidhatid Google Search Console-ka adigoo kasoo qaadnayaa “Site-Map XML”.
2. Akismet Anti-Spam
Faalooyinka (comments) spam-ku waxay qasi karaan website-kaaga oo waxay wayeelaynayaan sumcadaada internetka. Akismet ant-spam waa WordPress plugin kaa caawinaya inuu kaa shaandheeyo ama kaa hubiyo faalooyinka spam-ka ah, ku waasoo lagaaga soo dirayo contact form-ka.
Waxay kaa caawinaysaa inuu nadiifiyo website-kaaga isagoo ka nadiifinaya waxyaalaha firuska ama spam-ka ah. Taasoo kuu ogolaanaysa inaad kala garato cida dhabta ah ee kula soo xidhiidhaysa.
3. W3 Total Cache
Xawaaraha website-ku waa qodob muhiim u ah waayo aragnimada isticmaalaha (user experience) darajada SEO.
W3 total cache waa WordPress plugin kaydinaya sidoo kalena wanaajinaya waxqabdaka website-kaaga, adoo yaraynaya soo kicitaanka website-ka (load times) korna u qaadaya xawaaraha serverka.
Waxay kayadisaa xogta static ah, waxay yaraysaa code-ka, waxayna wanaajisa kaydinta browserka, taasoo keenta in website-ku noqdo mid si deg deg ah usoo kacaya.
4. UpdraftPlus
Kaydinta joogtada ah waa lama huraan si aad uga ilaaliso website-kaaga inuu lumiyo xogta ama ay dhacado waxyaal website-kaaga khatar gelinaya.
UpdraftPlus waa plugin kaydiye ah oo la isku halayn karo taasoo kuu ogolaanaysa inaad jadwal u samaysato kaydinta tooska aha ee faylashaada iyo xogtaada.
Waxaad ku kaydin kartaa goobaha kaydinta adeegyada si aad u heshid meel amaan ah sida Dropbox, Google Drive, ama Amazon S3. Hadii lacala website-ka cilad kaaga dhacado wuxuu awood kuugu siinaya inaad soo ceshato website-ka adoo ka tixraacaya backup-kii uu kuu qaaday.
5. Monsterinsights
Fahamka wax qabadka website-kaaga iyo habdhaqanka booqadayaashaadu waxay muhiin u tahay saamaynta go’aamo xog-ogaal ah iyo kor ukaca website-kaaga.
Monsterinsights waa user-friendly waana Google Analytics plugin kaa soo si saxa kuu siinaya falanqaynta website-kaaga adoo ka daalacanaya dashboard-ka website-kaaga.
Waxay ku siinaysaa aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan dhagaystayaashaada (audience), ilaha booqadayaasha (traffic sources), iyo waxqabadka nuxurka (content perfomance), taasoo kor uqadaysa natiijooyinka iyo waxa laga qabo website-kaaga marka la joogo makiinadaha raadinta (SE).
6. Woocommerce
Kuwa haysta online store ama qorshaynaya inay ku iibiyaan alaabtooda/adeegooda website-ka, Woocommerce waa plugin ay waajib tahay inay isticmaalaan. Waa madal awood badan oo e-commerce ah taasoo kuu ogolaanaysa inaad dejiso oo aad maamusho dukaankaaga online-ka si dedaal yar.
Wuxuuna leeyahay sifooyin badan sida liisaska alaabta (product listings), maaraynta agabka (inventory management), lacag bixin sugan (secure payment), Woocommerce waxay awood kuu siinaysaa inaad macaamiisha u abuurto meel ay si aan kala go’lahayn wax uga iibsadaan.
7. Elementor
Naqshadaynta iyo dhisida boggaga webssite-yada waxaa lagu fududeeyey Elementor. Waa plugin kaa caawinaya inaad ku dhisatid website-kaaga kasoo ah “Drag and Drop”, ama waxa afkeena lagu dhaho soo jiid kadibna dhig. Kaagamana baahna inaad qortid hal line oo code ah.
Boggag dhisahan (page builder) drag-and-drop ka ah wuxuu awood kuu siinayaa inaad abuurto naqshado yaab leh oo aad ka habayso dhinac kasata oo website-kaaga ah adigoo hadana wax aqoona ama khibrada u lahayn sida loo qoro hal line oo code ah.
Iyadoo leh tiro balaadhan oo ah widgtes, moodallo (templates), iyo xulashada qaabaynta (styling options), Elementor wuxuu kaa caawinayaa inaad arigtidaada keento kadibna aad si fudud ugu bedesho naqshad website oo qurux badan.
8. Wordfence Security
Ka ilaalinta website-kaaga khataraha amniga ayaa muhiim u ah joogitaankaaga digital landscape. Wuxuu kaa caawinayaa inuu website-kaaga kaaga dhigo amaan ama secure. Wuxuuna kaa ilaalinayaa in lagaa jabsado ama uu galo virus ama malware.
Wordfence Security waa qalab ammaan oo dhamaystiran oo bixiya ilaalinta firewall protection, iskaanka malmare-ka, amniga gelitaanka (login security), iyo difaaca khatarta wakhtiga loo baahan yahay. Waxay kaa caawinaysaa oo aad awood u leedahay malicious traffic, sidoo kalena aad hubiso amaanka website-kaaga.
9. WPForms
Wuxuu kaa caawinayaa inaad ku dhisato page-ka contact, page-kaas oo macaamiishaada u ogolaanaya inay si fudud kuula soo xidhiidhaan.
Abuuritaanka foomamka xidhiidhka (contact forms), sahanka (surveys), iyo walxaha kale ee isdhexgalka lama huraanka u ah dhagaystayaashaada iyo uruurinta jawaab celi qiimo leh.
WPForms waa WordPress plugin kaasoo kuu ogalaanaya inaad si fudud u dhisto foomamka xidhiidhka (contact forms). Iyadoo aad adegsanaysid qaab dhismeed hore loo dhisay (pre-built templates), ama nidaamka loo yaqaana soo-jiid kadibna dhig (drag-and-drop), waxaad abuuri kartaa foomam xidhiidh oo aad iyo aad u qurux badan.
10. Smush
Sawiradu waxay door muhiima ka ciyaaraan soo jiidashada iyo haynta booqadayaasha website-kaaga. Si kastaba ha ahaate, faylasha waaweyn ee sawirada ayaa hoos u dhigi kara xawaarha soo kicinta website-kaaga.
Smush waa WordPress plugin kaasoo sawirada isku cadaadiya (compress images) iisagoon waxba ka badalayn tayada sawirka.
Adigoo yaraynaya cabirka sawirka, Smusha wuxuu kaa caawinayaa hagaajinta waxqabadka website-kaaga, kor u qaadida SEO, iyo User-experince wanaagsan.
Conclusion
10 muhiimka ah ee WordPress plugins-kaa (Top 10 Essential WordPress Plugins) waxay kaa daboolayaan hawlo badan oo ay kugu adkaan lahayd inaad gacanta ka qabato sida hagaajinta SEO iyo amniga ilaa kor u qaadida wax qabadka website-kaaga, iyo la fal gelida isticmaalaha ee goobtaada. Markaad ku darto plugins-kan goobtaada waxaad awood u yeelanaysaa inaad maamusho wax kasta oo ku saabsan degelkaaga adoon hal wax gacanta ka qaban. Hadaad tahay isticmaale WordPress ama aad hada bilaw tahay, 10 kan plugin waa aalado lama huraan u ah website-kaaga khatarna ah inaad iska indho tirto. Isticmaal maanta laga bilaabo oo arag kobaca xawaare iyo waxqabad ee ku yimaada website-kaaga.
[…] Top 10 Essential WordPress Plugins You Can’t Live Without […]