Blog Article – How To Write Article? – Step-by-Step Review

Inaad qortid blog article beryahan dambe waxay noqotay wax fudud, waayo waxaa awoodaystay sanadadan dambe AI (Artificial Intellengency). keliya waxaad ka fekeraysa ama baadhaysaa ciwaankaaga waxaad ka dhigan lahayd waxaadna kasii diyaarsanaysa ciwaano hooseedyo iyo content ama maqaal. Maanta laga bilaabo haka walwalin qaabka looqoro article waxaan kugu shaaraxaya maqaalkan gudihiisa qaabka looqoro step-by-step.

What Is Blog Article?

Blog article waa inaad qorto maqaal ama post kasoo aad kaga hadlaysid hadba waxad rabtid inaad markaa wax ka qortid.

Tusaale ahaan, waxaad tahay qof macalin jamacadeed ah kasoo dhiga facultyga IT waxaadna rabtaa inaad wax ka qortid qaabka ardaygu u dooranayo waxa uu ku fiican yahay ama xiisanayo markuu rabo inuu isqoro jaamacada si ay ardayga ugu fududayso unuu si fudud u doorto kuliyada uu rabo taaso kale ayaa la dhaha article ama maqaal.

How To Write Blog Article?

Markaad rabtid inaad qortid article waa inaad ka qortaa waxa ciwaankaagu yahay oo aadan dhaafin ama aadan ka gaabin waxa ciwaankaagu ka hadlayo. Waxa jira siyaabo badan aad uqori kartid article kaaga waxaana kusoo gudbinayaa qaybo kamida oo aan isleeyahay way ku anafacayaan waxaana kamida:

  1. Dooro fikrad topic oo saxan (Choose a proven topic idea)
  2. Soo baadh cida kula tartamaysa (checkout your competition)
  3. Samayso Outline (create outline)
  4. Qor Maqaalkaagii ( write your topic)
  5. Habee Kadibna Daabac (Edit and publish)

1. Choose A Proven Topic Idea

Marka aad rabto inaad qorto maqaal ama article waa inaad doorata topic aad ka hadlayso, sidoo kale waa inaad dul istaagta waxa ad rabto inaad ka hadasho ama maqaalka ka qorto.

Sidaan kuu soo sheegay inaad maqaal qorto sanadadan dambe waxay noqotay wax fudud, hadana iyadoo aysaa tahay micnaheedu maaha inaad si fudud u qori karto keliya waxaan ka hadlaya aaladaha aad isticmaalayso inaad ku qorto iyo meelaha aad ka baadhanayso, ee inaad diyaarsato waxay kaa rabtaa wakhti iyo dadaal iyo inaad xooga saartid maqaalkan waxaad kaga hadli lahayd iyo qaabku u e kaan lahaa.

Hadaba markaad rabtid inaad topic doorato waa inaad qorata liis aad gashanayso ciwaanada ama topic yada aad rabto inaad wax kaqorto kaasoo aad kusalaynaysid waxa aad khibrada u leedahay ama aad ku wacan tahay.

Tusaale ahaan adoo dhakhtara hadaad tidhaahdid maqaal ama blog baan ka qoraya  beeraha wax macquula maaha waayo waxay kaaga bahan tahay aqoon iyo inaad kala garanaysid cilmiga beeraha iyo wixii la xidhiidha. Markaa markasta isku day inaad wax ka qorto waxa aad khibrada u leedahay iyo aqoonta.

2. Checkout Your Competition

Marka aad rabtid inaad maqaal qorto waxa wanaagsan inaad og tahay cida kula tartamaysa, markaan ku leeyahay tartan micnaheedu waa inaad baadhid ciwaankaagan ama topic aad rabto inaad ka hadasho yaa horay wax uga qoray, dadka ka hadlay maxay ka qoreen? sidee bay uga hadleen? maxaa kamaida ciwaanadooda? IWM. Waa muhiim inaad ogaato competoionekaaga ama cida kugula tartamaysa maqaalkagan. 

Waxa jira qaabab badan oo loo ogaado cida tartamahaaga ah, waxaana kamida:

  • Inaad Google Search ka baadhid adoo ku qoraya topic gaaga.
  • Inaad isticmaashid websiteska lagu ogaado keywordska iyo competion kaaga, sida Semrush Iyo AHREFS.

Ugu dambayn, waa inaad baadha cida tartamahaaga ah si aad uqortid maqaal gala page #1, waayo waxa loo tartamayaba waa Rankiga google search.

3. Create Outline

Inaad leedahay qorshe ama plan ku diyaarsan oo blog article kaaga waa muhiim, waayo waxa ku fududaanaysa inaad si nidaamsan uqortid maqaalkaga ama blog article kaaga.

Halkan waxan kugula wadaagaya waxyaalo ay muhiim tahay inaad qorshaysatid waxaana kamida:

  • Heading structure: Isticmaal ciwaano iyo ciwaano hoosaad yadaada (headings and sub headings)
  • Main points you talk: qoro ama list garee waxyaalaha ugu waa wayn aad rabto inaad kaga hadasho maqaalka
  • Estimate word count: waa inaad ogtahay imisa weedh ama eray buu ka koobnaanaya maqaalkaagu
  • Internal links: Isticmaal Internal links oo ah link-yada website gudihiisa ah sida article to article
  • External links: sidoo kale isticmaal external links oo ah linkiyada Ka tagaya websitekaaga aadayana website kale
Blog Article

Hadaan inyar ku sharaxo qaabka uu u ekaanayo maqaalkaagu ama blog article:

Waxaad ku bilaabaysa ciwaanka koowaad oo ah heading 1 (H1)  ama heading 2 (H3), waxaad ku xejinaysaa inyar oo aha hordhac ama introduction, waxaad ku xejinaysaa ciwaan heading 2 (H2) ah kaasoo aad ku hoos qoraysid wuxuu ka hadlayay ciwaankan , waxaadna kusii xejinaysa cuwaano hoosaadyo ama sub headings kuwasoo ah Heading 3 (H3),

ugu dambayn waxaad kusoo gaba gabaynaysaa Conclusion ama soo koobid aad kusoo koobayso muhiimada maqaalkaaga.

4. Write Your Topic

Intaas oo dhan markaad soo samayso waaxad bilaabanaysa inaad qorto blog article kaagii, isagoo qoristiisu ay kuu fududaanayso waayo waaxd ogtahay wax kasta oo kusaabsan maqaalkaaga ama article-ka.

Blog Article

Maqaalkaagu waa inuu kahadlayo waxa aad ciwaanka topic ka dhigatay sidoo kale waa inaad u samaysa ciwaano iyo ciwaano hoosaadyo ( headings and sub headings).

Hadaba inaad qorto blog article waxa jira waxyaalo aad u bahan tahay oo muhiima inaad ogaatid ama aadan dhaafin, waxaana kamida:

  • Inaad iska saxdo grammar-ka iyo spelling ka xarfaha
  • Qor erayo iyo kelmado la fahmayo
  • Sentence kaaga ama kelmadahaga ka dhig kuwa gaagaaban si markiiba loo akhriyo
  • Ku dar internal links 
  • ISticmaal number, bullets, sawiro, IWM si uu noqodo maqaal micno samaynaya.

5. Edit And Publish Your Blog Article

Intaaso dhan markaad soo qabatid waad dareemaysaa inaad joogtid gaba gabadii, qoraalkaaga ku samee dib u eegis si aad uga saartid hadii waxyaalo khaldan kujira sida erayo isadaba marsan iyo kelmado aad si khaldan uqortay.

Blog Article

Inaad qoraalkaaga dib u eegis ama edit ku samaysid waa muhiim, waayo bini aadam baa tahay waxa dhacaya inaad wax si khaldan u qortid sidaa daraadeed waa inaad checking ku samaysaa Blog article kaaga.

Ka dib daabac oo publish dheh si uu ugalo hawada, waxaad halkaa ku soo gaba gabaysay maqaalkaagii intaa kadib iska raaxayso oo ka fakir maqaalkaaga xiga wuxuu noqon doono.

Conclusion

Qorista maqaal ama blog articlre waa xirfad aad u saraysa keligeedna aad ku shaqaysan karto, inaad qorto maqaal waxay u baahan tahahy dadaal iyo baadhis badan si aad Google Search Engine (SEO) uga noqotid rank No #1.

Ugu dambayn waxaan kuugu soo koobaya dhowr step inaad muhiimada saarto:

  • Baadhis ku samee Topic kaaga
  • Usamee ciwaano iyo ciwaano hoosaadyo (headings and sub headings)
  • Samayso list outline oo qoro waxad ka hadlayso
  • Diyaarso maqaalkaaga
  • Kadib edit ama checking ku samee kadibna publish dheh.

Waxan rajaynaya inaad fahantay qaabka aad u qoran lahayd blog article ama maqaal, noqana doontid mid xirfad sare u leh qorista maqaalada ama content creating.

Read More Posts

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *